Dadkii soo abaabulay qaraxyadii Zoobe 2 ‘oo la dilay’

|

Muqdisho(Onkod Radio)– Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta sheegay in la dilay inta badan raggii soo abaabulay qaraxyadii Zoobe.

Wasiir Faarax ayaa ka mid ahaa guddigii ay dowladda Soomaaliya u xil-saartay ka jawaabidda musiibadii qaraxyadii Zoobe 2, wuxuuna maanta guddigaasi oo bandhigay tirada carruurtii waalidkood lagu dilay qaraxyadaas.

Ugu yaraan 300 carruur ah ayaa la diiwaan geliyey inay ku agoontoobeen ama ku rajoobeen qaraxyadii ay Al-Shabaab ka geysteen isgoyska Zoobe, 29-kii October 2022-kii.

“Waalidiintii carruurtaan kuwii dhibka u geystay ee dadkaas dilay ama wax ka soo qorsheeyey qaraxyadii lagu laayey, waa la dilay ayagana, maanta shuhadadii laga laayey carruurtaan waa ahlu jano, waxayna farqaha ku dhegan yihiin kuwii xasuuqa u geystay oo laga daba geeyey,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa soo bandhigay dhibaatooyin la diiwaan geliyey oo heysta dadkii ehelkooda lagu dilay qaraxyadii Zoobe 2, sidoo kale wasiirku wuxuu agoontii uu la kulmay ugu laab qaboojiyey in laga jawaabay qaraxyadii lagu laayey waalidkood oo ciqaab adag ay ku socoto Al-Shabaab.

“Markii aan maanta fiiriyey liiska waxaan arkay in dhibaatadu sameysay 363 qoys, waxaa murgo igu dishay qoysaska agoontoobay ama rajoobay, waxaa ku jira 12 qof ah, waxaa ku jira qoys 9 qof ah, waxaa ku jira kuwo noloshu aad ugu adkaatay markii waalidkood la dilay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Faarax.

Wuxuu sheegay in wasaaradda waxbarashada ay balan qaadeyso in carruurtaas barbaarinteeda iyo waxbarashadooda ay kaalin ka geysa doonto ilaa inta ay ka gaarayaan isku filnaasho.

Ugu yaraan 119 qof ayaa lagu dilay qaraxyadii Zoobe 2, dadkii halkaas lagu laayey waxay u badnaayeen waalidiin xoogsato ah oo qoysas u soo dareeray, taasi waxay badisay agoonta ama qoysas badan oo noloshu ku adkaatay, madaama la dilay qofkii u shaqo tegi jiray.

Wixii qaraxyadaas ka dambeeyey dalka waxaa ka bilowday halgan looga aar-gudanayo Alshabaab, kaas oo deg deg guulo looga gaaray, waxaana bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay kooxda laga saaray dhul aad u baaxad weyn.

Related Articles

News In English

Fikradaha