Dadyawga ku dhaqan Gaza oo jabsaday bakhaaro ku keedsanaa Gargaarka

|

Gaza (ONKOD) — Kumannaan dadka reer Qasa ah ayaa jabsaday bakhaarrada iyo xarumaha gargaarka ee hay’adda caawisa qoxootiga falastiniyiinta ee Qaramada Midoobay (UNRWA), iyagoo guranaya burka iyo waxyaabaha qutul daruuriga ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

“Tani waa calaamad werwer leh oo muujinaysa in uu burburayso kala dambeyntii kaddib sedex todobaad oo dagaal iyo go’doomin adag lagu hayay Qasa,” sidaa waxa sheegtay hay’addda taageerta qoxootiga falastiiniyiinta ee UNRWA.

Mid kamid ah bakhaarrada loo dhacay, oo ku yaala Dayru Balah, ayay UNRWA ku kaydisay gargaarkii dhawaan ka soo gudbay dhinaca dalka Masar.

Alaabbaha gargaarka ee tagi jiray Qasa ayaa istaagay markii Israa’iil ay bilowday duqeynta iyo duulaanka ay ku hayso Qasa, iyadoo uga aar gudanaysa weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7 Oktoobar.

“Alaabbaha yaala suuqyada ayaa gabaabsi ah, xili gargaarka ku imaanaya gawaarida xamuulka ee ka soo galaya Masar, tagayana Qasa uu istaagay”.

UNRWA ayaa sheegtay in gargaarkii ay fidin jireen ay carqaladeeyeen duqeymaha Israa’iil oo dilay in ka badan 50 shaqaalahooda ah, iyadoo la xadiday dhaqdhaqaaqa alaabbaha.

Kahor dagaalka, UNRWA ayaa sheegtay in hawlahooda ay carqaladaysay lacag la’aan.

Related Articles

News In English

Fikradaha