Dagaal ayaa socda SUDAN 2.2 milyan oo lagu qasbay in guryahooda ka qaxaan

|

Khartoum (ONKOD ) Dalka Sudan oo dagaalo ay ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa markale waxaa lagu soo waramayaa in rabashado kale ay ka dhacayaan magaalooyin ka mid ah dalkaas

Dagaalka  markale ka qarxay Suudan ayaa ah mid u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogagga RSF kuwaas oo ku sugan duleedka waqooyi ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Dadka aagga ku sugan ayaa sheegaya in RSF ay isku dayday in ay weerarto fariisimaha ciidamada Suudaan, iyadoo ka dib ay la kulantay iska cabin xooggan

Goobta dagaalka uu ka dilaay maanta oo Isniin ah ayaa  ku dhow saldhig ciidamada cirka ah oo ay ka duulaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada dowlada Sudan.

Dagaallada tan iyo 15-kii Abriil dhexmaray ciidamada daacadda u ah madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo RSF ayaa lagu dilay ku dhawaad ​​3,000 oo qof.

2.2 milyan oo kale ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahoodii gudaha dalka iyadoo ku dhawaad ​​645,000 ay u carareen xudduudaha si ammaan ah, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha