Dagaal beeleed qasaare geytey oo dib uga bilaabmay agaarka Fardhidin ee K/bari ee Gobolka Sool

|

Dagaal ka bilaabmay duleedka birta dheer ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in qasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba ay ka dheceen.
Dagaalkan ayaa sababay ka dib markii ay dabley hubaysan ay saaka weerar ku qaadeen tuulo lagu magcaabo Filley oo Boocame k/bari kaga quman, una dhow Fardhidin.
Dagaalkan ayaa dhacay iyadoo ay socotey wadahadal labada beelood u dhexeeya, kaas oo la filayey in uu xal laga gaadho sida ay gudiga labada dhinac u dhexaysey ay sheegeen.
“Waxaan filayney in uu bilaabmo fadhiga labada beelood oo mar hore dagaal ku dhexmaray halka lagu magcaabo Saaxmeygaag, saaka ayaan ku waaberiisaney in Filley nin lagu diley xoolo waraabsanay, nin la socdeyna la sheegay in dableydii qaateen” sidaa waxaa HOL u  sheegay Axmed Maxamuud Faarax Cagaagane oo ka mid ahaa gudigii isu xilqaamay joojinta colaada.
Axmed waxa uu intaas ku daray in dableydii weerarka soo qaaday dabley kale ka daba tageen oo ilaa haatan uu dagaal ka socdo meel aan ka fogeyn Birta-dheer welina aan wax war ah oo la sheego aanay hayn waxase uu sheegay in qasaare xooglihi jiro.
Dad degaankaas ku dhow oo xidhiidho kala duwan lala sameeyey ay sheegayaan in gurmad labada dhinacba ah uu soconayo lagana baqsan yahay in uu sii xoogaysto.

Related Articles

News In English

Fikradaha