Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Biyo-cadde ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-shabaab uu ka socdo deegaankaasi.
Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii dagaalamayaal katirsan Shabaab ay weerar ku soo qadeen fariisimo ciidanka dowladda, ay ku lee yihiin deegaankaasi, waxaana la maqlay dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan.
Goob jogayaal kamid ah dadka deegaanka, ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid kacsan, isla markaana ay ka cabsi qabaan in waxyeelo ay soo gaarto dagaalka.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maadama uu weli socdo, mana jirto hadal kasoo baxay saraakiisha ciidanka militariga ee Soomaaliya ee ku aadan dagaalka ka socda deegaanka Biyo-cadde ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wixii ku soo kordho halkan kala soco.