Dagaalka Ukrain: Uk ayaa ballan qaaday in ay gantaallo u diri doonto Kyiv

|

Britain (Onkod Radio) —  UK ayaa ballan qaaday in ay u diri doonto gantaallada riddada dhexe ah dalka Ukraine kadib markii Maraykanka iyo Jarmalku, ay sheegeen in ay u qalabayn doonaan qaranka dagaalka ay kula jiraan duullaanka Ruushka, Dagaalka Ukrain:

Xoghayaha Difaaca Ben Wallace, ayaa sheegay in Britain, ay soo diri doonto tiro aan la cayimin oo ah gantaalaha M270, kuwaas oo ridi kara gantaallada sida saxda ah loo hago illaa 50 mayl.

Wuxuu sheegay in ciidamada Ukraine sidoo kale lagu tababari doono UK, si ay u isticmaalaan qalabka.

Mr Wallace, waxa uu sheegay in go’aankan ay si dhow ula gaadheen dawladda Maraykanka oo sheegtay in ay dalka Ukrain u keeni doonto gantaallo casri ah oo lagu magacaabo HIMARS Arbacada.

Labada hab ee gantaallada ayaa ah kuwo isku mid ah, inkastoo kan Mareykanka uu leeyahay taayirrada halka kan Ingiriiska oo Mareykanka uu dhisay uu ku socdo waddooyinka.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, ayaa sheegay in waddankiisu uu toddobaadkan siin doono Ukraine, gantaallada casriga ah ee lidka diyaaradaha iyo hababka raadaarka kadib markii dhowaan Jarmalku, lagu dhaleeceeyay inuusan wax ku filan u qaban Ukraine.

Waxa uu sheegay in gantaallada hawada sare ee IRIS-T ee Jarmalku uu qorsheeyay in uu bixiyo ay yihiin habka difaaca cirka ee ugu casrisan ee waddanku leeyahay.

Sidoo kale Sweden ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ugu deeqday hub Kyiv, oo ay ku jiraan gantaallada, qoryaha fudud iyo hubka lidka taangiyada, ayuu yiri wasiirka difaaca ee dalka Peter Hultqvist.

Waxa uu yiri: “Laga billaabo maanta, qabsadeyaashu waxay gacanta ku hayaan ku dhawaad ​​20% dhulkayaga, ku dhawaad ​​125,000 kiiloomitir laba jibaaran (48,262 mayl laba jibaaran).”

Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, uu ku baaqay hub dheeraad ah kadib markii uu sheegay in Ruushku uu riday 15 gantaal oo nooca Cruise-ka ah maalintii la soo dhaafay isla markaana uu isticmaalay 2,478 gantaal tan iyo markii ay gudaha u galeen Ukraine 24-kii February.

Waxa uu intaa ku daray in “intooda badan ay beegsadeen kaabayaasha rayidka”.

Kadib markii hub ay bixiyeen reer galbeedku ay ka caawiyeen Ukraine in ay iska ilaaliso isku dayga Ruushku ku doonayo in uu ku weeraro caasimadda, Moscow waxa ay diiradda saartay sidii ay u qabsan lahayd dhammaan gobolka Donbas ee warshadaha bariga Ukraine.

Oleh Zhdanov, oo ah falanqeeye millitari ayaa sheegay in sare u kaca duqeymaha gantaallada Ruushka uu yimid jawaab u ah, hubka cusub ee la ballan qaaday.

Wuxuu yiri: “Sahayda hubka reer galbeedka ayaa walaac weyn ku haaya Kremlin-ka, sababtoo ah xitaa haddii aysan haysan hub ku filan ciidamada Ukraine waxay si geesinimo leh uga hortagayaan weerarka.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov, ayaa ku tilmaamay in Ukraine ay ku soo noqnoqonayso hub dheeraad ah “daandaansi toos ah oo la doonayo in reer galbeedka lagu soo jiido dagaalka”.

Waxa uu ka digay in gantaalaha badan ee uu Maraykanku keeno ay kor u qaadayso khatarta isku dhac fidsan.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ciidamada Ruushku ay sii wadeen duqeymaha ay ku hayaan Donbas iyo qaybo kale oo ka tirsan Ukraine halka ciidamada dhulka ay hore uga sii socdeen bariga.

Ciidamada Ruushka ayaa habeennimadii xalay sii waday inay gudaha u galaan magaalooyinka, waxayna sii adkeeyeen gacan ku haynta bariga magaalada Sievierodonetsk.

Badhasaabka gobolka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda gacanta ku hayaan 80% magaalada, taasoo fure u ah dadaalka Moscow, ay ku doonayso inay ku soo afjarto qabsashada Donbas.

Ciidamada Ruushka, ayaa sidoo kale isku dayaya inay beegsadaan tuulada Berestove, ee bariga Ukraine, taasoo ku taalla waddada weyn ee isku xirta magaalada Lysychansk ee gobolka Luhansk iyo Ukraine inteeda kale, ayuu yiri General Oleksiy Gromov Arbacadii.

Waxa uu intaa ku daray in Ruushku uu ku dhow yahay inuu qabsado dhammaan Luhansk, ciidamadeeduna waxay sidoo kale isku dayayaan inay weeraraan magaalada Sviatohirsk ee gobolka Donetsk.

Related Articles

News In English

Fikradaha