Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

|

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad weyn u qabo helidda ciidan qaran oo ka samatabixiya halisaha dunida iyo gobalkaba ka soo kordhaya. Ciidankaas oo daacad ah, karti leh, masuul ah, una istaaga badbaadinta dalka iyo dadka, isla markaasna ka hortaga in uu dalkeena mar kale galo qalalaase amaba uu cadow ina qabsado.

Qaylo dhaanteydan waxay si toos ah ugu socotaa Madaxda Ciidanka Qalabka sida, kuwaas oo maanta ay hortaallo masuuliyad weyn oo u baahan in lagu guto aragti togan, karti, geesinimo iyo ka fiyoowi ay madaxda ka fiyoow yihiin qabyaalad iyo ku milanka siyaasadda.

Ugu horreyn waxaan xusuusinayaa Madaxda Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaanna Hoggaanka Militariga, Booliiska, Asluubta iyo Nabadsugiddaba in marka ay ciidan siyaasadda ku milmaan natiijada ay noqoto burbur iyo in ay laayaan dadkii ay difaacooda u taagnaayeen. Marka ay ciidanka siyaasadda ku milankeeda iska ilaaliyaanna waxaa uu dalka ka badbaadaa qalalaase kasta ee ay siyaasiinta dalka galin karaan.

Madaxda ciidamada dalkeygoow, maanta dunida waxaa ay wajaheysaa qalalaase halis badan wata oo ka dhashay duulaanka ay Dowladda Ruushka ku qaadday dalka Yukrayn, kaas oo ah nasiib darro u soo hoyatay masaakiinta ku baaba’aysa ee ay ku jiraan carruur iyo maati aan waxba galabsan.

Duullaanka Ruushka ee Yukrayn oo yimid xilli ay dunida la daalaa dhaceyso saameyntii cudurka Karoonaha, waxaa uu sii abuuray cabsi weyn oo laga qabo inuu dhaco dagaalka seddaxaad ee dunida, kaas oo galaafan kara nolosha malyuumaad dad ah.

Dowladaha reer Galbeedka ayaa si weyn uga hor yimaadeen duullaanka. Dalalka NATO, Dalka Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa u midoobay go’doominta Ruushka iyaga oo ku ciqaabaya tallaabta uu qaaday. Go’doominta Ruushka waxay uga sii dartay xaaladda, oo waxaa ay abuurtay jahwareer amni iyo sicir barar ku yimid shidaalka iyo cuntooyinka daruuriga ah ee dunida.

Intaas waxaan idin xusuusinayaa in dalkeena maanta nolosha inteeda badan ay ku tiirsan tahay waxa inooga yimaada dunida inteeda kale, ha ahaato kaalmooyinka dhaqaale ee ay Soomaaliya siiyaan dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayna ka mid tahay mushaaraadka iyo saadka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sidoo kalena lacagaha ay Soomaalida ku nool qurbaha ay u soo diraan ehelkooda gudaha ku nool ayaa aad muhiim u ah, waxaana intaas dheer ganacsiyada daruuriga ah ee dunida inteeda kale inooga yimaada oo hakan kara haddii ay dhibaatada sii kororto.

Halista maanta dunida ku soo foolka leh waxaa ay saameyn ku yeelan kartaa nolosha qof walba, saameyntaasina waxay galaafan kartaa kumanaan bulshada Soomaaliyeed ah oo ay ka mid noqon karaan qoysaska ciidamada iyo eheladooda ugu dhow, waayo haddii ay musiibo dhacdo qofna si gaar ah ugama badbaadayo.

Siyaabaha dhibaatooyinkaas looga gaashaaman karo waxaa ka mid ah in dalka uu yeesho Ciidan Qaran oo ka madax banaan siyaasadda, una diyaarsan badbaadinta dadka iyo dalka. Badbaadinta ay ciidankaas sameyn karaan waxaa ka mid ah haddii ay xaaladda xumaato in ay ciidanka bulshada ka caawin karaan in ay beerahooda fashaan oo nolosha daruuriga ah gudaha laga soo saarto intii tabartu ay gaarto.

In kasta oo uu dalkeenu yahay mid muhiim ah, dunidana kaga yaallo goob istaraatiiji ah, haddana dalkeena waa dal nugul oo halis u noqon kara in ay gabaad ka dhigtaan kooxo dembiilayaal abaabulan ah, kuwaas oo isugu jira Argagaxiso, Burcadbadeed, kooxo doroogada iyo hubka safriya, kuwa lacagaha dhaqa iyo denbiilayaal kale oo caalamiga ah, taas oo sumcad dil ku ah sharafta dalkeena iyo dadkeena.

Sababaha dalka ka dhigaya mid nugul waxaa ka mid ah goobta uu dunida kaga yaallo oo ah mid istaraatiiji ah oo dhacda badda cas iyo Badweynta Hindiya. Wuxuu dalku leeyahay kheyraad muhiim u ah dalalka waaweyn ee dunida maanta ku hardamaya. Dalka wuxuu leeyahay yahay xeebta ugu dheer qaaradda Africa.

Doorashada

Xilligan dalkeena waxaa ka socota doorasho. Doorashada waa xaquuq ay muwaadiniintu leeyihiin oo lagu go’aamiyo hoggaanka iyo masiirka dalka. Waa halka laga qiimeeyo ummadda ilbaxnimadeeda iyo kaalinta ay kaga jirto dunidan casriga ah.

Ciidanka waxaa saaran waajib dastuuri ah oo faraya in ay sugaan amniga doorashada iyaga oo aan farogalin geysan, iyaga oo aan qofna u eexan ama ka eexan, xil ha hayo ama xil ha doono e. Ciidanka waa in ay danta qaranka oo kaliya ilaaliyaan. Dalka haatan wuxuu taagan yahay dhabbe isgoys ah oo halistiisa leh, kaas oo u baahan in lagaga gudbiyo taxadar badni ku dhisan qorshe qaran oo u turaya danta dalka iyo dadka, kana madaxbanaan isjiidjiidka siyaasadda.

Maadaama doorashada aad loogu murmay, musuq iyo gacan togaaleys badanina ay hareeyeen, waxaa labajibaarmaya waajibka ciidanka xoogga dalka ka saaran in ay isu diyaariyaan ka hortagidda qalalaase uu dalka galo haddii ay siyaasiinta ku murmaan natiijada Doorashada, isuna tanaasuli waayaan.

Ciidanka marna uma banaana, cudurdaarna uma heli karaan in ay qalalaasahaasi qeyb ka noqdaan iyaga oo looga fadhiyey in ay ka hor tagaan. Haddii ay ciidanka qeyb ka noqdaan qalalaasaha waxay ku xad gudbeen aaminaaddii shacabka ee aheyd in ay amniga sugaan, qalalaasaa iyo denbiyada ka hor tagaan, nidaanka guud ee dalkana ilaaliyaan iyaga oo aan cidna u eexan.

Waajibka Ciidanka

Sida uu dhigayo Qodobka 126aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaanna Farqooyinka 3-aad iyo 4-aad Ciidamada qalabka sida waxaa uu waajib ka saaran yahay ilaalinta Gobannimada iyo Madaxbannaanida Dalka iyo difaaca midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Ciidanka Booliska Federaalkana waxaa saaran waajib gaar ah oo ah ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Taasi waxay ka dhigeysaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed hay’adda dastuuriga ah ee u xilsaaran difaacidda dalka iyo dadka iyo habsami u socodka adeegyada dadweynaha ee ay doorashada ka mid taha. Haddii ay taasi ku fashilmaan ciidanka waxaa ay gabeen waajibkoodii.

Xilligan oo Ciidamada Soomaaliya ay ku jiraan dib u dhiska bilow wanaagsan ah ayna dagaal kula jiraan kooxaha Alshabaab iyo ISIS, ma jirto sabab uu askari Soomaaliyeed ugu milmo siyaasad wasaqeysan oo sharaf dhac mooyee aan wax sumcad ah laga heleyn.

Arrintaas waxaa daliil u ah bartamihii sanadkii tagay ee 2021, waxaa uu dalka ku sigtay in ay ka dhacaan dagaalo sokeeye oo ay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka. Waxaa la arkayey ciidamo ka wada tirsan militariga iyo booliiska oo la kala saftay Madaxweyne Farmaajo iyo Mucaaradka, isla markaasna furimo dagaal isu galay si ay isu dilaan shacabkana ugu kor dagaalamaan.

Ciidankeeniyow! In aad isu dishaan siyaasiin xil doon ah dartood waxay ceeb ku aheyd sharafta qarannimadeena, waana arrin u baahan ka fiirsi iyo in aan dib loogu laaban. Haddii ay siyaasiinta ka baaqsan waayeen isku dirka bulshada iyo kicinta colaadda waxay aheyd in ay ciidanka ka roonaadaan oo ay baaqsadaan ku lug lahaanshiyaha qalalaasaha.

Waxaa nasiibdarro aheyd in Siyaasiin miisaan leh ay ciidanka warbaahinta u marinayeen hadalo kicin ah oo aan ku habbooneyn in loo adeegsado dal sida Soomaaliya oo kale u nugul, waxayna hadalladaasi si sahlan u saameeyeen ciidankii qeybo ka mid ah oo durba inta ka soo baxeen furumihii ay ku hor fadhiyeen cadowga Alshabaab misena aagag ka galay xaafado Muqdisho gudaheeda ah.

Waxaa ayaan darro aheyd in Madaxweyne Farmaajo uu isna saraakiisha ciidanka u adeegsanayey danihiisa siyaasadeed, taas oo keentay in Mucaaradkuna ay dharka dhigtaan oo la kala roonaan waayo. Labada dhinacba waxaa ay ku kaceen falal ay ka muuqatay biseyl la’aan, fashil siyaasadeed iyo qorshe xumo, waxaase ka sii darneyd markii ay iyaga oo sidaas ah saameyn ku yeesheen ciidankii oo dartood ay isu dagaaleen.

Ciidankeeniyow! Shacabka Soomaaliyeed ee aan aniga ka mid ahay, amaba aan codkiisa ku hadlayo maanta, waxaa aan idinkaga fadhinaa in aad dalka ka saartaan Alshabaab iyo ISIS, soo celisaan nidaamkii burburay, isku furtaan waddooyinka xiran ee dalka, bulshadana u noqotaan badbaadiyeyaal. Marna idinkama sugeyno in hubkii aad u qaadeen in aad dalka iyo dadka ku difaacdaan in aad shacabka dushiisaa ugula dagaalantaan idinka oo fulinaya dano gurracan oo ay leeyihiin shaqsiyaad siyaasiin ah oo hankoodu uu yahay xilka heyso ama hel.

Ciidankeeniyow! Waa in aad xilli walba ka fogaataan ku dhex milmidda siyaasadda, gaar ahaanna xilligan doorashada ee ay xasaasiyaddu sarreyso. Waa in aad iska ilaalisaan saameynta qabyaaladda, waayo qofka kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah iyo qof kasta oo bani’aadam ah kuna nool dalkeena gudihiisa ayaad amnigooda masuul ka tihiin.

Ciidankeeniyow! Marka aad lumisaan sumcaddii aad shacabkiina ku dhex leheydeen, waxaa idinka aamin baxaya bulshadiina, taasina waxay horseedi kartaa in ay ka faa’iideystaan kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka dhigan kara gabbaad.

Waxaan u soo jeedinayaa hoggaanka haatan jira ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan dhameystirka dhismaha Ciidan Qaran oo madaxbanaan, iska illoobaan ka ag dhowaanshaha siyaasiinta. Kalsoonida shacabka Soomaaliyeed idinku qabaan ayaa malyuumaad jeer ka muhiimsan tan aad ka kasban kartaan siyaasi Danley ah. Soo ceshada sumcadda aad bulshada ku dhex leedihiin oo adkeeya, soo ceshada kalsoonida aad beesha caalamka ku laheydeen, si aad dalka uga dhigtaan mid la isku soo aamini karo oo la mid ah dalalka kale ee dunida.

Haddii aad dhistaan Ciidanka Qaran oo daacad ah waxaa u aayi doona dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo jiilasha mustaqbalka, waxaadna taariikh ka galeysaan baal dahab ah, haddiise aad ku dhex milantaan siyaasado isdiiddan, qabyaalad ama kooxeysi waxaad bulshada ka lumiseen fursaddii aad waajibkiina qaran ku gudan laheydeen, waxaana la idinku qori doonaa bog madow.

Ugu danbeyntii, ma jiro dal xasili kara Ciidan Qaran la’aantiis, ciidan qaranna ma dhismi karo haddii aan siyaasadda iyo qabyaaladda laga maxadbaneyn, loona helin hoggaan leh aragti fog iyo qorshe qaran.

Ciidankeeniyow! Ha fashilmina, guuleysta, guushu waxay ku jirtaa idinka oo ka fogaada Qabyaalad iyo Siyaad.

Wixii talo, tusaale iyo dhaliil ah ku soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com

Abukar Albadri waa saxafi, qoraa iyo falanqeeye arrimaha siyaasadda, waa rugcaddaa saxaafadeed oo tababara saxafiyiinta.

Related Articles

News In English

Fikradaha