Danjire Axmed Ciise ‘’DENI Colaad buu ka hurinayaa Puntland’’

|

Garoowe (ONKOD) Deegaano ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxaa ka jira is qab qabsiga ku saabsan mudada Guddiga doorashada Puntland uu sheegay in la qabanayo doorashada taa soo siyaasiin badan ay u arkaan muddo kordhin loo sameeyay Saciid Cabdulaahi Deni.

Siyaasi Axmed Ciise Cawad oo wareysi kooban bixiyay ayaa dastuur-jebin iyo sharci-darro ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Sidoo kale waxa uu ka horyimid  islamarkaana waxba kama jiraan ku sifeeyay mudda kordhintii uu guddiga doorashada Puntland ee PEC u sameeyay dowladda.

“Guddiga PEC waxba uma kordhin karaan dowladda waa sharci-darro iyaguna waxay ku dhisan yihiin sharci-darro. Siciid Deni waxa uu maamulayo oo dhan baa sharci-darro ah oo dastuurkii ayuu jebiyay” ayuu yiri Cawad.

Danjire Axmed Ciise oo ka jawaab-celiyay khudbaddii uu maalin ka hor jeediyay madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay mid xambaarsanayd baaq colaadeed.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha