Deg Deg: Askari katirsan ciidanka Dowladda oo toogtay darawal waday Gaari xamuul ah Muqdisho

|

Muqdisho (Onkod Radio)— Askari katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweeyd darawal wada Gawaarida waa weyn ee Dekedda rarka kasoo qaada ku dilay Muqdisho.

Askariga ayaa la sheegay inuu toogtay xilli uu gaariga socday asagoona la sheegay inuu kabaxsaday goobta uu falkaasi ka geystay.

Ninka darawalka ayaa lagu dilay aagga KM4 Hotelka Naaso Hablood Muqdisho ayadoona ay dad badan oo dibed baxayaal ah waddadaasi xirteen.

Dibad-baxa ayaa ka dhashay dil maanta loo geystay darawal ka soo baxay dekedda oo waday gaari xamuul ah, kaas oo uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Darawallada oo ka carooday dilka marxuumka ayaa xirtay waddalada Finta una October, halkaas oo ay dhigeen dibad-bax weyn oo cabasho ah.Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka loo dilay bixinta lacag baad ah darteed, sida u hadalka u dhigeen.

“Ninkii labaad waayey oo nagala diloobo, ninkii dilayna wuu baxsaday, wixii lagu dilay ayaana laga rabaa,” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya dekedda weyn.Sidoo kale waxa ay darawalladaani baaq culus u direen dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbadeen inuu wax ka qabto arrintaan.

“Laga soo bilaabo Taleex illaa dekedda waxaa taagan askar, haddaadan lacag siinin inay ku dilaan oo gaariga kaala dagaan oo ku garaacaan waayey, Mudane madaxweyne codsi iwaayey arrintaan wax ka qabo,” ayuu yiri darawal kale ka hadlay goobta dibad-baxa.

Related Articles

News In English

Fikradaha