Deg deg, Guddiga FEIT oo ka jawaabay go’aankii uu Rooble ku kala diray

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray qoraal ka jawaabaya go’aankii uu guddiyadii doorashada ku kala diray Ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna guddigaasi cadeeyey inuu aqbalay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa galabta kala diray dhamaan guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, isagoo uga mahadcelyay guddiyadaan oo si adag waajibaadkoodii doorashooyinka u gutay.

“Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigu Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT waxa uu uga mahadcelinaynaa Ra’iisulwaasaraha JFS Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay. Sidoo kale hagistiisii iyo iyo garab istaaggii uu muujiyey waqtiyadii adkaa ee doorashada oo aan la’aantiis la dhaqaajin kareen laga gudbi kareen culeysyo badan oo soo food saaray doorashada Dalka.

Guddigu wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaashii doorashada sidii wanagaasaneyd ee ay u garab istaageen una dhiirrigeliyeen mudadii ay doorashadu socotay.

Guddigu wuxuu ugu danbeyn u mahadcelinayaa dhammaan guddiyada doorashada Heerarkooda kala-geddisan sidii kartida lahayd ee ay ugu hagar baxeen shaqadii loo igmaday ee caqabadaha kala duwan huwanayd oo isugu jiray mid dhaqaale, mid mid siyaasadeed, kuwo amni intaba.

Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in Alle u fududeeyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, dalkana ku hoggaamiyaan si hufan oo keeni karta xasillooni, horumar iyo barwaaqo, si nidaamkeenna dowladnimo u noqdo mid hana qaada.

Gabogabadii waxaan Soomaaliya u rajeynaynaa inay abuurto hannaan doorasho uu shacabka u dhaweynaya dhabbaha rasmiga ah ee ay ku dooran karaan cidda ku metalaysa golashaasha dowladda heerarkeeda kala duwan.

Related Articles

News In English

Fikradaha