Deg Deg: Iska hor imaad ka socda duleedka Dhuusamareeb

|

Dhuusamareeb (Onkod Radio) — Wararka Onkod uu maanta ka helayo duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xoogaan.

Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalkan uu u dhaxeeyo ciidanka maamulka Galmudug iyo Al- Shabaab.

Dagaalkan xooggiisa ayaa la sheegayaa inuu ka socdo deegaan lagu magacaabo Sinadhaqo oo dhanka Koofur kaga toosan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in Ceelka Sinadhaqo oo kooxdu isku aruursaneysay maalmihii la soo dhaafay awood looga looga saaray.

Sida laga helayo deegaanka dagaalka uu socdo dadka deegaanka ayaa la sheegayaaa in doorweyn ka qaadanayaan dagaalkaas socda.

Warkan wixii ku soo kordha – kala soco.

Related Articles

News In English

Fikradaha