Muqdisho (ONKOD) Waxaa maanta isku day dil ka badbaaday, Gabar lagu magacaabo Miski Mohamed Mohamud, oo ka shaqeysa Hey’addaha Dowlada mid ka mid ah.
Kooxo hubeysan ayaa u galay meel u dhow gurigeeda sid ay ku warameen dad Goobjoogayaal ah oo halkaas ku sugan.
Inta badan kooxda Al- Shabaab ayaa ugaarsada, Dadka u shaqeeya Dowlada iyo Hey’addaha caalamiga ah ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Dowladda oo sheegay in weerarkan masuulkan ka tirsanayd Dowladda uu qayb ka yahay weeraro joogta ah oo ka dhaca caasimadda Muqdisho ee lagu beegsanayo dadka u shaqeeya Dowladda Soomaaliya.
Miski, horay waxaa loo dilay, Aabaheed (2016) oo ay dileen kooxda Al-Shabaab iyo walaalkeed oo la dilay(2021) oo u shaqeynaayey Hey’adaha samafalka ka shaqeeya.