DEG – DEG- Musharax Madaxweyne Puntland oo geeriyooday .

|

Garoowe (ONKOD ) Musharax Madaxweyne Puntland Suldaan Cabdicasiis Afguduud ayaa goor dhaweyd ku dhintay shilgaari oo ku galay wadada xiriirsa Boosaso iyo Qardho

Marxuumka ayaa ku sii jeeday Magaalada Qardho halkaas oo kasii wadi lahaa Ololahiisa Doorashada ka dib markii uu dhawaan shaaciyay in uu yahay Musharax Madaxweyne Puntland.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay  geerida  , musharax Madaxwayne kaas oo Olole ka waday maalmahan deegaanada maamul goboleedka Puntland.

Xubno ka mid ah  Ololayaasha musharaxan geeriyooday ayaa sheegay in  marxuum Afguduud  uu la balansanaa ka hor geeridiisa Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada .

Musharaxiinta Ololaha ku  jira ayaa sheegay inay ku xun yihiin geerida ku timid msuharaxaas madaxwayne ee maanta ku geeriyooday shilka gaari.

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha