Deg Deg, Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarunta xalane

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow koox hubeysan ay weerar toos ah ku qaaday qaybo ka mid ah, xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka Aadan Cadde, ayna dagan yihiin AMISOM.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay garoonka kasoo weerareen dhanka iskuul Buluusiya, gaar ahaan hotel ku yaal afaafka hore ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lugeynayaa ayaa galay xerada, lamana oga sida ay ku gaareen maadaama halkaas si weyn loo ilaaliyo amnigeeda.

Iska hor imaad toos ah, ayaa haatan socda, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan ee weerarka qaaday.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in haatan toogasho ay ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkaasi oo weli ka socda halkaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha