Deg Deg Shariif oo noqday musharraxii ugu horreeyay ee qaatay shahaadada Madaxweyne

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaa maanta si rasmi ah uga billowday diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ee u taagan xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jmahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa noqday musharraxii ugu horreeyey ee is diiwaan-geliyey, isla-markaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha.

Musharrax Shariif, ayaa tegay xarunta Aqalka Sare oo ay ka socoto diiwaan-gelinta, waxaana shahadaada guddoonsiiyey Cabdiqani Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada.

Shariifka, ayaa horey usoo noqday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, wuxuuna sidoo kale kalena soo tartamay 2017 oo looga adkaaday tartanka, isaga musharixiin kale.

Sidoo kale murashixiinta kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono doorashada.

Guddiga qaban qanaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta dooneysa inay tartamaan. Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob waxaa ugu weyn in murashax kasta laga doonayo lacag dhan $40,000, waxaana sidoo kale la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habraaca diiwaan gelinta murashaxiinta xilka Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Doorashada ayaa qorsuhu yahay in ugu dambeyn la qabto 15-ka bishaan aynu ku jirno ee May, taas oo loolan adag ay u geli doonaan musharixiin dhowr ah oo uu ku jiro Farmaajo.

Related Articles

News In English

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

USAID announces $1.5 M to respond to the impact of the drought on Somali children’s education

Mogadishu (Onkod Radio) — USAID has announced that it will provide $1.5 for the Somali children's education programs as the drought had forced thousands...

SJS and SOMA condemn Somaliland’s suspension on independent TV

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the suspension against the privately-owned independent CBA television...

Somalia: UN’s top humanitarian forum warns of ‘tipping point’ as famine risk rises

New York (Onkod Radio) — New York: The world is lurching from crisis to crisis, trapped in a cycle of firefighting and unable to...

Fikradaha

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...