Deg Deg, Xasan Sheekh oo laga helay Coronavirus

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga helay cudurka Coronavirus, xili dhawaan laga helay xubno kamid ah wafdigiisa.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in laga helay cudurka kadib markii maanta lagu sameeyay baaris.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19,” ayuu yiri.

“Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.”

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ducada iyo garab istaaga ay u muujiyeen.

Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

DhOwaan unbay aheyd markii xubno kamid ah wafdiga Madaxweynaha laga helay cudurka Coronavirus, kuwaasi oo karantiil la galiyay.

Related Articles

News In English

Fikradaha