Wararka inaga soo gaaray gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka macawiisley iyo kooxda Al-shabaab uu ka socdo howdka labada gobol ee dhaxeeya Ceelhareeri iyo Aadan Yabaal.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid culus oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.
Hoggaamiyaal katirsan ciidanka Macawiisleey, ayaa ku waramaya in xaalada ay adag tahay, isla markaana labada dhinac dagaalka u dhaxeeya uu yahay mid culus. sidoo kalana aysan hadda ka warbixin Karin khasaaraha maadama uu weli socdo.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco