DEGDEG:Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

|

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax goordhaweyd ka dhacay bannaanka hore xirada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotay qorista ciidamo cusub.

Dhinaca kale goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in qaraxa lala beegsaday dhalinyaro dooneysay in ay u isu diiwaan galiyaan askarta ciidamada xooga.

Sida aan wararka ku helnay waxaa goobta waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 8 dhallinyaro, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa cakiran, waxaa ciidamada dowladda ay xireen goobta, iyada oo weli uu socdo gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

 

Related Articles

News In English

Fikradaha