DENI miyuu ogolanayaan wada hadal inuu galo ?

|

Muqdisho (ONKOD) Isimo    ka socda SSC- Khaatumo ayaa wada dadaal ay ku doonayaan in ay ku xaliyaan xiisada ka dhalatay khilaafka doorasho ka dib daah ku yimid waqtigii ay ahayn in la qabto doorashooyinka.

Xubno ka socda SSC- Khaatumo ayaa Aqalka Madaxtooyada , waxay kula  kulmeen Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamanayo ee Saciid Cabdullaahi DENI oo ay kala hadlaan xaaladda deegaanka.

Sida xogaha ay sheegayaan Madaxwaynaha ayaa kala hadlay isismada inuu dhankiisa diyaar u yahay wada – hadal in lagu dhameeyo khilaafka jira waxase uu ku adkaystay in doorasho qof  iyo cod ah.

Wada-hadaladan ayaa  in mudda ah waxay ka soconayeen magaalada Garoowe waxaana jirin ilaa iyo hadda wax natiija ah oo laga gaaray sida ay ku warmeen siyaasiin halkaas ku sugan.

Odayaasha  dhaqanka ayaa wada  dadaal  ay ku doonayaan in ay isugu keenaa dhinacyada mucaaradka iy Saciid Cabdullaahi DENI  kuwaas oo ku guulaystay in ciidanka ay ka saraan gudaha magaalada.

Magaalada  Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka socdo shirar kala duwan waxaana inta badan aad loo dhaliilayaa hanaanka hadda uu wax u wado Madaxwayne Saciid Cabdullaahi DENI.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha