DENI oo magacaabay Wasiirka amniga Puntland

|

Garoowe (ONKOD) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland  Saciid Abdullaahi  Deni ayaa maanta oo Arbaca magacaabay Wasiirka amniga maamulkaas  kaa soo noqday Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin)

Wareegto ka soo baxday  xafiiska Madaxwayne Deni ayaa lagu sheegay in  Xaaji Bakiin wixii maanta ka danbeeyo uu laylin doono wasaaradda amniga maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la tashaday ku xigeenkiisa, sidoo kalena uu aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa uu ku xusay wasiirka cusub ee amniga Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri wareegtada ay shaacisay madaxtooyadu.

Magacaabista wasiirka cusub amniga Puntland ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay xiisad xoogan oo ka dhalatay muranka doorashada ay ka taagan tahay maamulkaasi

Related Articles

News In English

Fikradaha