DENI oo shirar kala duwan ka wada Nairobi – UJEEDKA -shirarkaas

|

Nairobi (ONKOD) Madaxwaynaha maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas ka wada kulamo gooni goobi ah sida ay sheegayaan xogaha aan helayno.

Madaxwayne Saciid Deni ayaa lagu soo waramayaa in kulamadan inta badan uu diirada ku saarayo arimo la xiriira doorashooyinka fooda ku ku soo haya ee Puntland iyo xasaradaha ka dhashay .

Madaxweyne Deni ayaa Nairobi kula shiray qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka gaar ahaanna Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo uu kala hadlay arrimaha mashaariicda Horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.

Wakiilada uu la kulmay Madaxweynaha Puntland waxaa kamid ah wakiilka Midowga Yurub Karin Johansson iyo saraakiil ka socotay hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sida ay wararku tilmaamayaan.

Lama oga waqtiga ay soo gaba- gaboobi doonaan shirar hoosaadyada Deni uu ka wado magaalada Nairobi iyo waqtiga ay tahay inuu dib ugu laabto Puntland maadama in mudda ah uu ka maqnaa halkaas.

Madaxwayne Saciid DENI ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in halkaas uu kula kulmay madax ka mid ah maamul goboleedyada kuwaas oo maalmahan  shirar ku leh magaalada Nairobi

 

Related Articles

News In English

Fikradaha