DENI oo wajahaya eedeymo hor leh & damac muddo kordhin

|

Garoowe (ONKOD ) In mudda ahba deegaanada maamul goboleedka Puntland waxaa ka jiray khilaaf ka dhashay doorashada maamulkaas iyo in la furo Dastuurka taas oo keentay in rabashado ay ka dhacaan Puntland.

Arimahan oo idil in ay ka dhacaan deegaanada maamulka Puntland ayaa lagu eedeynayaa  in Madaxwaynaha hadda talada haya  uu doonayo in markale uu kursiga ku soo laabto.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax ayaa sheegay in Saciid Deni uu u tafa xadaynayo in muddo kororsi taasna ay tahay mid aan la aqbali karin sida uu yiri.

Mr Saalax ayaa sheegay in madaxwayne Saciid Deni dhaqaalihii dowlad Goboleedka Puntland uu ku bixiyay dhinaca Federaalka oo uu xil kaga doontay taas oo uu yiri waa uu ku soo hugoobay.

Waxa uu xusay in inta yarayd ee dhaqaalaha Puntland hartay uu doonayo inuu ku bixiyo sidii mudada u kororsan lahaa oo uu tusaale u soo qaatay muranka arimaha Dastuurka ee taagan.

Si kastaba siyaasiyiinta horjeeda Saciid Deni ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku cel celinayay in Saciid uu doonayo muddo kororsi, taas oo keentay in dagaal uu ka dhaco  garoowe.

Related Articles

News In English

Fikradaha