DFS ‘’ Waa soo afjarnay weerarkii Al- Shabaab ay ku qaadeen Liido ‘’

|

Muqdisho (ONKOD ) Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa sheegtay in lagu guuleystay soo afjaridda weerarkii lagu qaaday magaayadda Pearl Beach ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir oo ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in la soo badbaadiyay shacab badan oo ku go’doomay gudaha maqaayadda intii uu socday howlgalka samatabixinta oo ciidanku ay ka wadeen goobta la weeraray.

Soo Af-jaridda weerarka oo aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin dowladda Soomaaliya ayaa wararka la helayo waxay sheegayaan in ciidamadii howl-galka ka fulinayay ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan

Dhinaca kale qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xusay in la toogtay ilaa iyo lix dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo gudaha u galay dhismaha maqaayadda oo ka  dhex dagaalamayay in muddo ah.

Sikasta ha ahaatee weerarka lagu qaaday maqaayadaaan oo ku taalla goob si weyn loo ilaaliyo ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo muddooyinkii dambe ammaanka caasimadda Muqdisho uu ahaa mid xasiloon.

Pearl Beach ayaa ah dhismo cusub oo ah maqaaxi ku taalla dacalka xeebta ayaa waxaa weerar ku qaaday maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha