Dhaawaca Senator Cabdi –qaybdiid oo dibada loo qaaday miyuu culus yahay ?

|

Istanbul (ONKOD) Maalmo ka hor qarax ismiidiima ah oo waxyeelo u gaystay masuuliyiin ka  tirsan Dowladda Soomaaliya  ayaa  kooxda Al- Shabaab  waxa ay ka gaysteen deegaano ka mid ah Gobolka  Mudug.

Masuuliyiinta waxyeelada soo gaartay waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo dhabanacad

Madaxwaynaha Galmudug  iyo Cabdiqaybdiid labaduba waxa lagu dawaynayay Isbitaalka  Erdogan  Ex Digfeer halkaa soo xaaladooda  lagula tacaalayay.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegay in senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid dhaawaciisa loo qaaday  dalka Turky halkaas oo la sheegayo  in xaaladiisa   lagula tacaali doono.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Cabdiqayb-diid lala qaaday seddax qof oo qaba dhaawacyo lamase sheegin dadkaas dhaawaca ah ee raacay  magacyadooda iyo halka ay ku soo dhaawacmeen.

Senator-ka ayaa maalmahan xaaladiisa waxaa lagu dawaynayay magaalada Muqdisho hase ahaatee waxa ay u muuqataa in  loo baahday in dalka dibadiisa loo qaado si xaaladiisa si dhab ah wax looga qabto.

Dowladda Soomaaliya ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan dhaawac  Cabdiqayb-diid ee maanta loo qaaday dalka  Turkey.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha