Dhallinyaro ku baa’baday qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

|

Muqdisho (ONKOD) Warar  kala duwan ayaa ka  soo baxaya qarax khasaare gaystay oo ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa  miino dhulka lagu aaso , isla markaana ay ku dhinteen ilaa afar qof.

Dadka dhintay ayaa dhamaan ahaa dhallinyaro ku sugnaa xaafado ka mid ah degmada Hodan  kuwaas oo ku cawaynayay xaafadaha degmada.

Bartilmaameedka qaraxan ka dhacay degmada Hodan ayaa ahaa Taliye Qoslaaye oo  la sheegay in guriga ka maqnaa.

Ma jirto cid sheegtay masuuliyada weerarkan dhallinyaradan ay ku dhinteen ee ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha