Dhibbane Gaboose oo xog cusub ka bixiyay dilkii Eng Yariisow iyo

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Agaasimihii hore xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Gaboose, oo ka mid ahaa masu’uliyiintii lixaadkooda ku waayay qaraxii lagu dilay Allah u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, iyo qaar ka mid ah masu’uliyiintii la shaqeyneysay ayaa ka sheekeeyay wixii ku dhacay.

Agaasime Gaboose, oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye, ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay qaabkii uu u dhacay qaraxii lagula beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, xilli ay shir isugu yimaadeen masu’uliyiintii la laayay ee maamulka gobolka.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxaas, sidoo kale Agaasime Gaboose, wuxuu ka mid ahaa masu’uliyiintii dhaawacyadooda dalka Qatar loola qaaday Guddoomiye Yariisow, oo Dooxa ku dhintay.

Gaboose hadda wuxuu ka go’anyahay lug iyo gacan is xiga, sidoo kale waxaa ka dhacay labada indhood, intii uu ku guda jiray wareysigaan wuxuu soo bandhigay walaac uu ka qabo in loo badbaadi karay lugtii iyo gacantii looga jaray Isbitaalka Digfeer.

Markii dhaawacooda looqaaday Dooxa ee uu geeriyooday Eng. Yariisow, wuxuu sheegay in isagu uu miyir la’aan ahaa oo geerida guddoomiyaha uu ogaaday bil kaddib, markii uu koomada ka soo baxay.

Maxamed Maxamuud Gaboose, Agaasimihii Hanti-dhowrka gobolka Banaadir wuxuu shaki gelinayaa cidda qarxisay iyo xogtii ay soo bandhigeen hey’adaha ammaanka oo uu ku tilmaamay inay aad isku khilaaf saneed.

Related Articles

News In English

Fikradaha