DHUUSMAREEB : Qaraxyo Gilgilay Galmudug + khasaaraha jira

|

Dhuusmareeb (ONKOD) Magaalada Dhuusmareeb ee gobolka Galgaduud waxaa  lagu soo waramayaa  inuu ka dhacay qarax ismiidaamin ah kaas  oo la doonayay in  gudaha la galyo magaalada .

Sida ay sheegayaan wararka aan helayno  qaraxan oo gawaari laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay bar kantarool oo laga galo magaalada Dhuusmareeb , halkaas oo la sheegay in  laga  ilaaliyo magaalada.

Qoraal lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi laga hortegay kadib xogo ay heleen ciidamada ammaanka.

Saraakiisha maamulka Galmudug ee ku sugan Dhuusmareeb ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaraha oo soo gaaray ciidanka ku sugnaa barta- kantarool ee uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay  halka uu qaraxa uu ka dhacay , waxaana la sheegayaa in ciidanku ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan falalka amni darro.

Deegaano badan oo ka mid ah Galmudug waxaa ka soconaya howlgalo Dowladda ay ku doonayso in ay ku sugto amniga sidaas oo ay tahayna waxaa dhaca  falalka lidiga ku ah amniga.

Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha