Diyaaradaha Kenya oo dad rayid ah ku laayay deegaano ka mid ah gobolka Gedo.

|

Baardheere (ONKOD) Diyaaradaha Kenya ayaa wali wada beegsiga ay ku hayaan goobaha ay degan yihiin dadka shacab ah ee deegaaanada gobolka Gedo ku nool .

Sida aan wararka ka helayno  gobolka Gedo ay sheegayaan  diyaarado ay leedahay dowladda Kenya ay duqeymo khasaare dhaliyay ay ka geysteen deegaanka Ceel Cadde, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan sida ay u dhaceen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in duqeymaha ka dhacay deegaanka ay waxyeello u badan dhaawacyo ay kasoo gaareen dhowr iyo toban ruux oo rayid ah, waa markii labaad oo bishaan gudaheeda ay duqeymo nuucaan ah ka dhacaan deegaanka Ceelcadde ee Gedo.

Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay duqeymaha dhacay deegaanka ayaa waxaa qaarkood loo soo qaaday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana dhowaan duqeyn deegaanka ka dhacday ku geerioyooday Shiikh caan ka ahaa Ceelcadde iyo qof kale.

Marar badan diyaaradaha dalka Kenya ayaa duqeymo kale duwan ka fuliyay deegaanka Ceelcadde iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah oo reer guuraa ah iyo shirkado Isgaarsiin oo lagu beedsaday duqeymaha qaar ee Gedo.

Related Articles

News In English

Fikradaha