Diyaaradaha KENYA oo rayid ku laayay Gedo & tirade dhimashada

|

Baardheere (ONKOD) Warar kala duwan ayaa soo baxaya khasaaraha nafadeed ee ka dhashay duqeymo ciidanka Kenya ee ATMIS ay ka gaysteen deegaano ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka.

Duqeymaha oo soo billaawday xalay ayaa saaka markale ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen degaanka Ceel-cadde, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqeymahan ay ku naf waayeen laba qof oo shacab ah, kuwaaso magacyadooda lagu kala sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin magaciisa lagu soo koobay Miskiinow.

Sidoo kale duqeyntaan ayaa geysatay burbur xoogan, maadaama uu weerarku ka dhacay goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Majirto wax war ah oo duqeymahan ay kasoo saareen dowladda Kenya iyo maamul gobolka Gedo, dhowr jeer oo hore ayey sidan oo kalr weeraro shacab lagu laayay ay ciidamada Kenya uga geysyeen gobolkaasi Gedo.

Dhanka kale duqeeyntaan ayaa kusoo aadeyso ayadoo maalmihii lasoo dhaafay ey ciidanka Kenya howlgalo ey kawadeen gobolka Gedo iyo deegaanada hoos yimaada xadka labadda dal.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha