DOHA oo door ka cayaaraysa isu keenista Israa’iil & Xamaas

|

Doha (ONKOD) Waxaa soconaya dadaal lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalada ka sii soconaya marinka GAZA halkaas oo ciidanka Israa’el ay ka wadaan duqeymaha xaga cirka ah oo ay ku dhimanayaan dad badan ee reer Falastiin ah.

Doorka ku saabsan wada- hadalo dhaxmara Israa’iil iyo Falastiin waxaa cayaaraya Dowlada Qatar oo waqti badan galinaysa sidii loo baajin lahaa dhiiga badan ee ku daadanaya marinka GAZA.

Dhinacyada ayaa inta badan diirada saari doono arrimo dhawr ah oo xal u ah xaaladda hadda taagan oo aan mid aan indhaha laga qarsan karin una baahan in si dhab ah loogu istaago si loogu hortago dhibaato kale oo dheeraada ah.

Xamaas iyo Israel ayaa heshiis ka gaaraya sii deynta maxaabiista gacanta ugu jira kooxda Xamaas, halka Israel iyana dhankeeda laga doonayo in ay joojiso dagaalka iyo duqeymaha.

Hogaamiyaha Xamas, Ismail Haniyeh, ayaa sheegay in kooxdiisa ‘ay u soo jawaabeen walaalahooda Qadar isla markaana ay ku dhowyihiin heshiis lagu joojinayo dagaalka.

Wadahadlka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel ayaa ka socda magaalada Doha ee dalka Qatar, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo Israel kasoo saartay wadahadalkan la sheegay in ay la leedahay Xamaas.

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay inuu heer gabogabo ah marayo heshiis ay yeelanayaan Xamaas iyo Israel, waxa uuna muujiyay in heshiiska uu kasoo baxo natiijo wax ku ool ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha