Dood xooggan oo ka dhalatay is casilaada xubno muhiim u ahaa Bankiga Dhexe

|

Muqdisho (ONKOD ) Magaalada Muqdisho waxaa guux badan uu ka dhashay is casilaada xubno udub dhaxaad u ahaa Bankiga Dhexe kuwaas oo shaqada isaga tagay.

Iscasilaada sedax xubnood oo ka mid ah Guddiga  fulinta Bankiga dhexe ayaa timid waxyar uun ka dib markii Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dib u magaacabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi

Bankiga dhexe ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan  sedaxda xubnood ee iska casishay Golaha dhexe ee Bankiga taas oo keentay tuhun badan.

Masuuliyiinta is casishay wax war ah ma aysan ka soo saarin sababaha keenay in ay xilka ka taagan.

Bankiga dhexe ee dalka ayaa ka mid ah meelaha sida aad ah loogu  tuhumayo in ay ka jirto musuq maasuq iyo nin jacaylays taas oo keentay ayaa la leeyahay in xubnaha Golaha dhexe ee qaarkaad xafiiska ay baneeyaaan.

Muddo xileedka cusub ee guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka bilaabanaya 17-ka bishaaan ee 2023-ka, kaasi oo dhan afar sano.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha