Dowladda & ATMIS oo ka hadlay Amniga ka dib ka bixtaanka ATMIS ee dalka

|

Muqdisho (ONKOD ) Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka ATMIS ayaa ka wada- hadlay sidii ciidan Soomaaliya si buuxda ay ula wareegi lahaayeen amniga goobihii ay ka baxeen ciidanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kale waxay isla soo qaadeen sida muhiim ay u tahay in ciidanka Soomaaliya ay helaan qalab iyo tababar dheeraad ah si ay u dar dargaliyaan howlaha amniga guud ahaan dalka.

Kulanka oo ka dhacay maagaalada Muqdisho gaar ahaan Xalane waxaa ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Ambassador Maxamex El-Amine Souef, taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding & Taliyaha Booliska ee ATMIS.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Ambassador Maxamex El-Amine Souef, ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin garab siinta ciidanka Soomaaliyeed , waxa uuna ballan-qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan xasillinta deegaannada Al Shabaab laga saaray.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in si ay la wareegaan dhawr saldhig oo ay baneeyeen ciidanka ATMIS kuwaas oo ku yaala koonfurta iyo bartaha dalka.

Bishii January ee sanadkan 2023 ayaa tirada ciidamada ATMIS laga dhimay 2,000 oo askari, taasoo qeyb ka ahayd qodobbadii qorshuhu ahaa si ay ciidankan Soomaaliya uga baxaan sanadka soo socda ee 2024.

Bishii April ee sanadkii 2022 ayaa howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya laga baddalay magaciisii hore ee ahaa AMISOM waxaana laga dhigay ATMIS.

Ujeeddada loo baddalay magaca waxaa qeyb ka ahayd in la guda galo diyaargarowga sidii ciidankaas looga bixin lahaa Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha