Dowladda Federaalka oo qayb ka ah dagaalka ka socda Laascanood

|

Laascanood (ONKOD) Magaalada  Laascanood ee gobolka Sool waxaa wali ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee Khaatumo.

Wax xal ah wali lagama gaarin dagaalka ka socda magaalada Laascanood , waxaana magaalada inta badan isaga barakacay dadkii deganaa kuwaas oo ku dayacan magaalooyin kale oo dalka ah.

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Sool ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya  Somaliland ay ku garab ku siinayso duqeynta ay ka wado magaalada Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in  madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre dusha uun ay ka eeganayaan duqeymaha lagu hayo dadka shacabka isla markaana aysan jirin wax talaabo ah oo ay qaadayaan.

“Xukuumadda maanta jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeynta Laascaanood,” ayuu yiri Garaadka.

Dowladda Federaalka ah weli kama falcelin eedeynta loo jeediyay. Horeyse, waxay dhowr mar ugu baaqday wada-hadal iyo xabad-joojin laga dhaqan galiyo gobolada Sool iyo Sanaag.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha