Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku howlan dib usoo celinta Bilicda Caasimadda iyo furista waddooyinka, kadib Roobabkii xooganaa ee ka da’ay Magaalada, kaasi oo saameyn ku yeeshay kaabayaasha isku socodka iyo bilicda.
Howlwadeenada Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafada iyo Bilic soo celinta oo kaashanaya Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay qaadista biyihii uu roobka dhigay waddooyin muhiim u ahaa isku socodka bulshada, iyagoona dib usoo celiyay bilicda iyo Nadaafadda Waddooyinkaasi.
Sidoo kale waxaa si dar-dar leh ku socda qorshaha lagu soo gaba-gabeenayo Nadaafada iyo bilicda waddooyinka harsan ee Magaalada Muqdisho, isla markaana dib u hagaajin iyo dib-u-dhis lagu sameenayo waddooyinka uu bur burka soo gaaray.