Dowladda MD Xasan oo maareyn la’ dagaal beeleedyada dalka ka jira.

|

Muqdisho (ONKOD)- Deegaano badan oo gobolka Shabeellaha dhexe  waxaa ka soconaya , dagaalada salka  ku haya arrimaha qabaa’ilka kuwaa soo noqday kuwa xargaha  goystay.

Dhawr jeer waxaa dagaaladaas ku baxay masuuliyiin kala duwan oo ka soo  jeeda deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe si xaaladda ay u dejiyaan hase ahaatee ma aysan guulaysan.

Waxa ay u dhaxeeyaan dagaaladan laba beelo oo walaala ah oo Oodwadaag ah kuwaas oo isku hayo arrimo ku saabsan daaqsin  iyo deegaan sababay in dhiig  uu daato  keentayna aargudasho muddo socotay.

Dagaaladan waxa ay ka dhacayaan ,  deegaanada kala ah Qurac-madoobe iyo Aqab-duco halkaas oo  maalmihii la sood dhaafay dagaaladu ay ka socdeen in kastoo xaaladu hadda ay tahay mid degan.

Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo laab-laabanayay dagaal beeleedyo u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan oo gobolka wada-daga.

Keliya ma aha Shabeellaha dhexe meelaha laga soo calamadaynayo dagaalada qabaa’iilka ee loo taag la’ yahay in wax laga qabto marka laga reebo baaqyada la dirayo si dagaalka loo joojiyo.

Deegaano badan oo  dalka ah waxaa ka taagaan dagaalada salka ku haya  qabaa’ilka  kuwaas oo ilaa iyo hadda Dowladda Soomaaliya aysan ku guulaysan wax ka qabashadood.

Related Articles

News In English

Fikradaha