Madaxweynaha Namibia ayaa amartay in la tarxiilo 500 oo Mareykan ah kadib markii ay Mareykanka ku eedeeysay inuu si gaar ah u bartilmaameedsanayo dadka Afrikaanka ah ee ku sugan dalkaas.
Waxay sheegtay in haddii aad si sharci darro ah u gasho Mareykanka adigoo aan Visa haysan, isla sidaas ayaa loo dabaqayaa Namibia, waxaana la kordhiyay khidmada Visa ee loogu talagalay Mareykanka.
Dhanka kale, waxay soo jeedisay in aanay jirin qof Afrikaan ah oo u baahan Visa si uu u booqdo Namibia, iyadoo ku tilmaantay in dalalka Afrika ay is-jecel yihiin, ayna tahay in aan si xor ah isku booqano, iyada oo aan Fiisa loo baahneyn.
Waxay kaloo sheegtay in Fiisa uu ahaa qalab uu abuuray caddaanka si ay u xakameeyaan Afrikaanka iyo kheyraadkooda dabiiciga ah, waxayna ku baaqday in hadda la isticmaalo shuruudaha Visa si looga hortago inay dadka caddaanka ah ka soo noqdaan oo ay sii xadaan kheyraadkeena.