Dowladda Somalia oo amar kusoo rogtay diyaaradaha qaada Cargo-ga.

|

Muqdisho (ONKOD ) Muran xooggan ayaa ka taagan guraha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho  sida ay ku warameen dad ku sugan Garoonka oo aan la hadalnay.

Dowladda ayaa la sheegay in diyaaradaha qaada alaabaha cargo-ga ay kusoo rogtay bixinta lacag dheeraad ah, waxa ayna taasi sababtay in shirkadaha diyaaradaha ka biyo diidaan ayna hakad galiyaan alaabihii cargo-ga ay diyaaradaha qaadi jireen.

Sida  xogaha ey sheegayaan, dowladda Soomaaliya ayaa kusoo rogtay canshuur ah in halkii kiilo ay ka dooneyso lacag dhan $1, taasoo ay ka biyo diideen shirkadaha arrimahaasi ka shaqeeya una sheegeen dowladda in ay ku adag tahay.

Dhanka kale, Shirkadaha diyaaradaha ayaana la sheegay in Sabtidii ilaa hadda hakad galiyeen qaadista alaabaha cargo-ga ay u qaadi jireen hayádaha, dowladda iyo sidoo kale maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Dowladda Soomaaliya oo wada dakhli kordhin ayaa fursad weyn ka dhax aragtay alaabaha cargo-ga ah, waxa ayna kusoo rogtay in lacag dheeraad ah laga qaado shirkadaha diyaaradaha ee qaada alaabahaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha