Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay gargaar Caafimaad gaarsiinayaan deegaannada laga saaray Al-Shabaab

|

Muqdisho (Onkod Radio) —  Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Aadan ayaa maanta ka warbixiyay qorshaha dowladda ee ku aadan  daadajinta iyo bixinta adeegga caafimaadka ee loogu talagalay qeybaha bulshada.

Wasiirka oo ka qeybgalaya Baranamij ka baxayay Warbaahinta dowladda  ayaa sheegay in Wasaaradda Cafimaadka ay diyaarisay qorshihii ay adeegyo caafimaad ku gaarsiin laheyd deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay in lixda bilood ee soo socota loo howlgali doono qalabeynta cisbitaallo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka iyo gobolada kale ee dalka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Cali Xaaji Aadan  ayaa sheegay in si xowli ah ay u socdaan dhaqaajinta , bixinta iyo fidinta adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada,isagoo qiray in dhinacooda ay diyaar u yihiin barnaamijka quudinta xagga caafimaadka ee loogu talagalay dadka ku barakacay abaaraha.

Related Articles

News In English

Fikradaha