Dowladda Sucuudiga ayaa hal maalin dil toogasho ah, ku fulisay 81 ruux

|

Muqdisho (Onkod Radio) Dowladda Sucuudi Carabiya, ayaa shalay oo Sabti, ahayd dil toogasho ku fulisay 81 qof oo ahaa eedeeysanayaal lagu eedeeyay danbiyo kala duwan kuwaas oo siyaabo kala duwan loo soo xiray markoodi hore.

Wasaaadda arrimaha gudaha ee Sucuudiga, ayaa sheegtay inay 81 ruux 7 u dhashay Yemen, iyo 1 u dhashay Syria, ay ka mid ahaayeen dadka ay daldaleen kaasoo ah, dil wadareedkii ugu badnaa ay fulisay tobannaan sano kadib.

Danbiyada lagu helay ragga dilka lagu fuliyay ayaa lagu sheegay ku biiris kooxaha xagjirka ah, iyo shakhsiyaad haastay caqiidooyinka qalloocan kaasoo ay ku sheegeen bayaan ay Dowladda Sucuudiga ay soo saartay.

Ragga dilka lagu fuliyay ayaa la sheegay inay dil u geeysteen Dumar iyo Carrruur aan danbi lahyn ayaa lagu sheegay bayaanka ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha.

Raggaan ayaa lagu eedeeyay danbiyada ay galeen inay xiriir la lahaayeen Ururka Daacish, iyo Xuutiyiinta ee ka dagaallama Dalka Yemen, sidaasi waxaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Wasaaradda, ma aysan sheegin qaabka loo fuliyay xukkunka dilka ah.

Wararku waxa intaasi ku darayaan ragga dilka lagu fuliyay 37, ka mid ah, inay u dhasheen waddanka Sucuudiga, kuwaas oo lagu helay halkiis oo ah, inay isku dayeen inay dilaan saraakiil ka tirsan laamaha Amniga saldhigyo iyo kolonyo ciidan inay beegsadeen.

Xukkunka Dowladda Sucuudiga, ayaa loo badanayaa inuu dib usoo celin doono xilli quwadaha adduunka ay ku howlanyihiin dagaallada ka socda waddanka Ukraine.

Hey’adaha xuquuql Insaanka ayaa ku eedeeyay Dowladda Sucuudiga, in ay dhaqin galiso sharci xaddidaaya siyaasadda iyo Diinta, waxayna ku dhalleeceeyeen in ay adeegsato ciqaabta dilka ayna ku jiraan eedeeysanayaalka da’da yar ee aan weli aan qaan-gaarin.

Sucuudiga, ayaa beeniyay eedaha loosoo jeediyay ee Xuquul-Insaanka waxayna sheegtay in ay ilaalineeyso Ammaankeeda Qaranka, iyo Sharciyada u degsan dalkeeda.

Wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa sheegtay in eedeeysanayaasha la siiyay xagga qareenka isla markaasna loo dammaanad qaaday xuquuqdooda oo buuxda sida uu qabo sharciga sucuudiga inta uu socday hannaanka garsoorka.

Dowladda Sucuudiga, ayaa dil toogasho ah, ku fulisay 23, qof hal maalin gudaheeda sannadihii 1980-kii Sannad kadib markii ay qabsadeen Masjidka Xaramka Makka Al-Mukarrama sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Dowladda Sucuudiga, ayaa sheegtay inay fulisay dil wadareed gaaraya 47 qof, hal maalin gudaheeda ah, uu ku jiray wadaadka caanka ahaa ee Shiicada Muslimiinta Nimar Al-Nimar Sannadihii 2016.

Xeeldheerayaasha Carabta, ayaa sheegaya dil wadareedka Dowladda Sucuudiga ay shalay fulisay uu yahay mid hagal daacinaaya nidaamka isbaddel doonka ah, uu waday dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan, sannadihii ugu danbeeyay u muujiyay dunida fur furnaan aan looga baran dowladda sucuudiga. VOA Somali

Related Articles

News In English

Fikradaha