Dowladda Uganda oo digniin u dirtay ciidankeeda jooga Soomaaliya

|

Kampala (ONKOD ) Dowladda Uganda ayaa u sheegtay ciidankeeda ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay in la yimadaan  farsamo  cusub oo ay ku jabinayaan kooxda Al- Shabaab maalmo uun ka dib markii weerar lagu qaaday xarunta Ciidanka Uganda ee Buulamareer.

La taliye sare oo mid ah xafiiska Madaxwaynaha Uganda ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in ciidanka Uganda marnaba aysan  ka laba- labayn in iyaga [Uganda ] Weerar ay ku qaadaan  fariisimaha  kooxda Al- Shabaab ee degaanada Soomaaliya.

La-taliyaha Madaxweynaha Uganda u qaabilsan howlgallada gaarka ah, Gen Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in saraakiisha ciidanka Uganda looga baahan yahay  in ay og yihiin meelaha ciidanka ay ka liitaan ee sababi kara in ay jabaan.

Ma ahan ayuu yiri sarkaalkan in ciidanka ay galaan nasasho , taas bedelkeedaana waa in aad qaataan dagaal lagu soo afjarayo Al- Shabaab.

Muhoozi ayaa – hadalkan sheegay mar uu la kulan la qaatay ciidamo ka tirsan Uganda  kuwaa soo ka badbaaday , weerar Al- Shabaab ay ku qaadeen ciidanka Uganda ee saldhigoodu uu yahay magaalada Buulamareer ee Shabeellaha hoose.

Waxa uu sheegay La taliyahan inuu aad ugu xun yahay wixii ku dhacay askar badan oo Uganda ah oo ku baxay weerar Al- Shabaab ciidankooda ay ku soo qaadeen kaas oo ay ku dhinteen askar badan

La-taliyaha Madaxweynaha Uganda u qaabilsan howlgallada gaarka ah ayaa ciidanka faray in ay dardargaliyaan  howlgalka ay u joogaan Soomaaliya , isla markaana ay qaadaan talaabooyin wax badan ka bedeli kara in markale la soo weeraro saldhigooda.

Related Articles

News In English

Fikradaha