Dunida Islaamka oo jawaab ka bixisay aflagaado loo gaystay Nebi Muxammad

|

New Delhi (Onkod Radio) – Dalalka Islaamka ayaa si caro leh uga jawaabay aflaagado ay Nebiga NKKH, u gaysteen xubno ka tirsan xisbiga haaya talada dalka Hindiya, ee Bharatiya Janata Party (BJP).

Afhayeenka BJP Nupur Sharma ayaa aflagaadeysay Nebiga NNKH iyo xaaskiisa Caa’isha ayada oo ka qeyb galeysay dood taleefishin, halka madaxa warbaahinta xisbiga BJP Naveen Kumar Jindal uu qoraal aflagaado ah soo geliyay twitter-ka. Xisbiga ayaa shaqo joojin ku sameeyey labada xubnood. 

Dalal badan oo Carbeed ayaa u yeeray safiirada India, halka wasaaradda arrimaha dibedda Pakiustan ay war-saxaafadeed ku cambaareysay hadalladan sidan weyn gefka u ah iyo jawaabta BJP. 

“Hadalladan aan gebi ahaanba la aqbali karin, ma aysan dhaawicin kaliya dareenka dadka Pakistan, balse waxay dhaawaceen dareenka balaayin Muslimiin ah oo caalamka ku nool,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibedda.

Wasaaradda Arrimaha Dibeda Qatrar, ayaa u yeertay safiirka Hindiya, una gudbisay qoraal rasmi ah oo ay ku muujineyso sida ay dowladda Qatar “uga niyad jabtay, u diidan tahay una cambaareyneyso hadalladan.” 

“Dowladda Qatar waxay ugu baaqeysaa dowladda Hindiya, inay si deg deg ah u cambaareyso hadalladan, si shaacsanna uga raali-geliso dhammaan Muslimiinta caalamka,” ayuu yiri Majed Mohammed Al Ansari, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar. 

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...