DUQEYMO ka dhacay Qaza , korontada iyo internet oo ka go’ay

|

Gaza (ONKOD) Madaafiicda iyo duqaymaha Israa’iil ayaa xalay si aan kala joogsi lahayn uga socday Gaza kadib markii ay jartay dhamaan isgaarsiintii iyo korontadii.

Milateriga Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay “si joogto ah u duqaynayaan marinka Qaza”.

Qaybo ka mid ah Qaza ayey internet iyo korontadu ka go’een, tan oo kusoo aadday xilliga qaraxu dhacay.

Sarkaal u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay xoojiyeen weerarada Gaza lagana yaabo in duulaan dhinaca dhulka ah uu bilaabanayo.

Horaantii Jimcihii, shirkadda Falastiiniyiinta ee adeegga taleefanka gacanta ee Jawawal ayaa sheegtay in adeegyadii ay ka mid ahaayeen taleefoonnada iyo internetka ay gooyeen duqaymo xooggan.

Israa’iil waxay sheegtay in ay diyaarinaysay duullaan dhanka dhulka ah, balse ay Maraykanka iyo dalalka Carabta ku booriyeen in ay dib u dhigaan hawlgal kordhinaya tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay xeebaha ay dadku ku badan yihiin.

Tan ayaa kusoo aadaysa iyadoo xisbiga talada haya ee Ingiriiska uu la kulmayo cadaadis ku aaddan inuu Israa’iil ku cadaadiyo xabbad joojin.

Related Articles

News In English

Fikradaha