Duqeymo maalintii saddexaad oo xirriir ah ka dhacay dalka Sudan

|

Maalintii saddexaad oo xiriir ah, ayaa weerarro diyaaradaha aan duuliyayaal lahayn (drones) lagu qaaday magaalada dekedda leh ee Port Sudan, taasoo si weyn u carqaladeysay garoonka caalamiga ah ee kaliya ee dalkaasi ka shaqeynaya. Warbaahinta Suudaan ayaa sheegtay in qaraxyo ay dhaceen isla markaana dab uu ka kacay meel u dhow terminal-ka rakaabka, iyadoo duulimaadyadii la qorsheeyay la joojiyay

Wasiirka tamarta Suudaan ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday xarumaha shidaalka ay ahaayeen kuwo ay si ula kac ah u geysteen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah si ay ucarqaladeeyaan nolosha magaalada.

Kahor weerarradan, Port Sudan waxay ahayd mid ammaan ah. Waxay hoy u tahay dekadda ugu weyn dalkaas iyo garoonka diyaaradaha.

Labo sano oo dagaal ah ayaa saameeyay Suudaan, kaas oo u kala qeybiyay deegaanno ay kala maamulaan ciidamada iyo RSF.

Ilaa 12 milyan oo qof ayaa ku barakacay waxaana jira saboolnimo iyo gaajo baahsan oo dalkaas ka jirta. Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer oo loo adeegsado kaabayaasha muhiimka ah ayaa sii dheereyn karta saameynta dagaalka uu ku yeeshay Suudaan.

Related Articles

News In English

Fikradaha