Erdogan oo markale weeraray Sweden iyo Finland

|

Ankara (Onkod Radio) — Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan, ayaa sheegay in wadahadal uu toddobaadkan la yeeshay Sweden iyo Finland, oo ku saabsanaa ku biiritaanka NATO uusan isaga ku qancin, maadaamaa aysan dalalkaasi daacadnimo lahayn.

Erdogan wuxuu markale labadaasi dal ku eedeeyey in ay taageeraan argagixisada Kurdiyiinta ee PKK inkasta oo ay iyagu beeniyeen.

Wuxuuna sheegay inuusan waafaqi Karin waddamo arrimahaasi sameeyey iney gaashaan buurta NATO ku soo biiraan.

Sweden, Finland iyo Waddamo xubin ka ah NATO ayaa rajeynaya inuu xubinnimada si degdeg ah loogu oggolaado kaddib marki uu Ruushka billaabay duullaanka Ukraine.

Turkiga oo ah xubin ka tirsan NATO oo diiddan xubinnimada dalalkaasi wuxuu hor istaagi karaa codsigooda.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha