Ergayga Abaaraha Soomaaliya oo baaq deg deg ah u diray Beesha Caalamka

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa deeq-bixiyaasha caalamka markale ku booriyay inay deg deg uga jawaabaan gurmadka abaaraha Soomaaliya ee ku sii socda heerka macluusha.

Cabdiraxmaan oo ka qeyb-galay shir looga hadlayey ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ayaa waxa uu dalbaday in Soomaaliya lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd, taasi oo xal u ah soo noqnoqadka abaaraha.

Shirkaan uu qeybta ka ahaa Ergeyga ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey dowladda Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska, Qatar iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 30 dawladood, Ururka Islaamka, Jaamcadda Carabta, Midowga Afrika iyo hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo Gargaarka Caalamiga ah.

Saameynta ka dhalatay Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sabab u noqotay in kumanaan Caruur ah lasoo daristo Nafaqo darro, taasi oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka.

Ergeyga ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celiyey dawladihii deeqda ku yaboohay, gaar ahaan dawladda Maraykanka oo ku deeqday $151 Malyan oo deeq hor leh ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka lacagtan cusub ayaa waxay dheeri ku tahay $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii Luulyo, taas oo ka dhigaysa tabarucaadka dawladda Maraykanka in ka badan $870 milyan oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed – waana in ka badan kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay saadaasha hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December.

“Ku dhawaaqista maanta ayaa u ogolaan doonta hay’adda USAID ee wada shaqaynta la leh Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) in ay bixiso laba bilood iyo bar dheeraad ah oo gargaar cunto ah oo la siinayo 3.6 milyan oo qof ah,” ayey tiri USAID.

Related Articles

News In English

Fikradaha