Ergayga gaarka ee abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo bandhigay xogta gargaar ka yimid Qatar oo la xannibay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ergayga arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo sheegay in abaartu ay saameysay lix milyan iyo boqol qof oo ku kala nool gobollada dalka.

“50 maalmood ka badan waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku xayiran macaawino ay dowladda Qatar keentay, lama yaqaano sababta ay u xayiran tahay, waa in la fasaxo macaawinooyinka dadka loo keenay, Qaramada Midoobay, waxay igu war gelisay in gargaarka ay keenaan ay dhib badan ka maraan in dekedda laga soo dejiyo, deeq bixiyaashu waxay ka cabanayaan in caqabado badan ay jiraan oo dadka baahan aysan u fududeyn inay gargaar gaarsiiyaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in 8% uu dhanyahay gargaarka la helay si dadka Soomaaliyeed loogu gurmado, taas oo ka dhigan in hal bilyan iyo afar boqol oo kun oo ay dalbadeen hey’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe, hadda laga haayo 58 milyan oo dollar.

Sidoo kale Ergeygaan ayaa sheegay in shaqadiisu aysan aheyn in macaawino uu ka qeybiyo gobollada dalka, balse xafiiskiisu uu ku shaqa leeyahay qiimeynta heerka baahida jirta iyo galaangalka caalamka oo aan looga maarmeyn u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Arrimaha doorashooyinkii dalka ka socday, dagaallada Ukraine iyo Ruushka, CIVID-19 iyo gurmadka dalal kale oo dhibaato ka jirto ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu caalamku uga mashquulay xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya.

“Shaqadaydu ma aha raashin qeybin ee waa in magaceyga iyo kan dowladda Soomaaliyeed, aan caalamka uga dalbanno gurmad, kadibna aan xiriiriyo gurmadkaas iyo baahida ka jirta dalka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...