Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada ayaa gaaray Cadaado

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa gaaray Degmada Cadaado ee Deegaanka Galmudug, isagoo booqday dadka barakacayaasha ah, ee ku sugan Degmadaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Ergayga gaarka ah, ee abaaraha ayaa booqasho ku tegay Magaalada Baydhabo, booqashadiisii ugu horreeysay, muddo kaddib wuxuu booqasho kale ku tegay Magaalada Garowe, hadda wuxuu joogaa degmada Cadaado.

ma jirto tan iyo haatan cunto ama lacago gargaar ah, loo qeeybiyay dadku, ay abaaraha saameeyeen.

Abaaraha, ayaa aad ugu dhuftay Soomaaliya, gobollada intooda badan ayadoo ay dhammaadeen dhammaanba xoolihii ay dadku ku noolaayeen walow ay jirto carruur badan oo u geeriyootay gaajo iyo macquul ba’an ay Abaartu keentay, carruurta ayaa intooda badan nafaqo darro dartii u dhintay.

Magaalada Kismaayo Jubbada Hoose, ayaa la sheegay in Isbitaal ku yaalla ay ku geeriyoodeen carruur gaareysa 30 carruur ay nafaqo darro ugu geeriyooden bil ka hor.

Related Articles

News In English

Fikradaha