Fannaanka Iidle Yare Farriinta waxaan soo qoray anigoo moodaya inaan dhintay

|

Nairobi  (Onkod Radio) — Gelinkii dambe ee Sabtidii shalay ahayd, waxaa baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto aad ugu faafay farriin uu Facebook soo dhigay fannaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare), taasoo walaac badan ku abuurtay dadka.

Iidle Yare, ayaa farriinta ku sheegay in “Alle uu uga tegay ilmihiisa”, taasoo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu qibleeyay geeri.

Tan iyo xalay, waxaa Nairobi ka socday dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Shalay (Sabtidii) ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay,” ayuu yiri Iidle Yare oo maanta ka soo muuqday muuqaal ay ka duubeen dad ku booqday guri uu ku sugnaa.

“Waan dhacay (suuxay). Qol ayaa la i seexiyay. Waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid. Dadka meesha ka shaqeynayay waxa ay xirnaayeen kabo caag ah oo gadaal ka xiran,”ayuu yiri fannaanka xanuunsan.

“Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Iidle Yare ayaa soonkii la soo dhaafay baahiyay muuqaal uu kaga hadlayo in cudurka macaanka awgii uu gudan waayay waajibkaas, taa baddelkeedana uu masaakiin quudiyo.

Waxa uu sidoo kale maanta sheegay inay buro kaga taallo madaxa, isla markaana uu dareemayo xannuun badan.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, Maxamed Cali Ameeriko, oo kamid ahaa dadka booqday fannaanka xanuunsan ayaa ka codsaday Soomaalida inay u duceeyaan.

Qoyska Iidle Yare
Qoyska Iidle Yare

                                               Waa kuma Iidle Yare?

Waxa uu sheegay inuu noolasha ka soo billaabay hoos, isagoo ku soo barbaaray Degmada Madiina ee gobolka Banaadir. Hooyadiis oo aheyd qofka kaliya oo ay nolosha qoyskaasi ku tiirsaneyd ayaa ka shaqeyn jirtay Iskuul la yiraahdo Baarbe, kaasi oo ay ku gadi jirtay shaah, bajiye iyo cunnooyinka ay ardaydu cunaan marka ay u soo baxaan biririfta iskuulka.

Iidle, ayaa sheegay in uusan isaga weligii wax baran, wakhtigii uu yaraana uu caawin jiray hooyadii, madaama keligii uu ahaa wiilka qoyska. Fannaan Iidle ayaa ka soo jeeda qoys dan yar ah, kuwaasi oo la daala dhacayay quutul daruuriga qooyska.

“Aniga wax ma baranin waayo hooyadey ayaan caawin jirtay, waxaad wax baran kartaa markii la deberi karo nolosha, lana gadi karo buugaagta iyo dharka iskuulka.

Hooyo, ayaana na biileysay, aabbe wuu xanuusanaa, wuxuuna ka tiirsanaan jiray dowladdii hore ee Soomaaliya,” ayuu yiri Iidle Fannaan Iidle, oo ku soo barbaaray nolol adag ayaa markii ay hooyadiis geeriyootay u tafa xeytay inuu qoyskiisii kafaallo qaado nolashooda, isagoo hardanka nolosha ka billaabay inuu aado magaalada Boosaaso.

Intii uu ku jiray socdaalkiisii uu ka billaabay magaalada Muqdisho ayaa inta uusan gaarin Boossaaso, wuxuu shaqo ka sii billaabay magaalada Gaalkacayo. Waxa uu sheegay in waa uu ku shaqeyn jiray rafaad iyo lacag aad u yar balse hadda oo uu ku nool yahay Nairobi uu halki bandhig (show) uu ku shaqeeyo lacag dhan 1,000 dollar.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha