Fardhiye ‘’Iska dhiciya Somaliland , difaaca dadkiina & deegaankiina ‘’

|

Laascanood (ONKOD ) Hogaamiyaha maamulka Khaatumo ayaa weerar afka ah ku qaaday xukuumadda Somaliland oo uu sheegay in ay wali wadaan gardaro ka dhan ah maamulka SSC-Khatumo.

Waxa uu sheegay in  guusha SSC   Khaatumo ay ku timid dadaalka ciidanka ay sameeyeen isla markaana hadda la joogo wadadii guusha oo aan dib loo laaban doonin.

Sidoo kale hoggaamiyaha ayaa waxa uu ciidamada u sheegay in Eebbe ka sokow iyagu yihiin sababta ay shacabka SSC-Khaatumo ugu naaloonayaan xasillooni, nabad, iyo is-maamul.

Firdhiye ayaa ciidamada SSC-Khaatumo ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka faray in ay difaaca adkeeyaan, kuna sugnaadaan halkooda, marnaba aysan weerar ku noqon cid kale.

Dhanka kale Hoggaamiyaha ayaa xusay in haddii la soo weeraro ay ciidanka amar buuxa u haystaan in ay cashar kale u dhigaan cadawga, islamarkaana ku sameeyaan hub ka dhigis dhammaystiran.

Hoggaamiyaha ayaa ciidammada kula dardaarmay in ay xoojiyaan waajibaadkooda una gutaan si ay ku jirto daacadnimo, waddaniyad iyo xaq u dirirnimo.

Dhawaan ayaa Dowladda Soomaaliya waxay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka SSC- Khaatumo oo ka mid noqonaysa maamul goboleedyada ee dalka ka jira.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha