FAROOLE oo biiray xal ka gaarista khilaafka doorasho ee Puntland , maxaa socda ?

|

Garoowe (ONKOD ) MagaaladaGaroowe ee Puntland waxaa ka bilowday dadaalo kale oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay hubinta la’aanta siyaasadeed ee doorashada

Magaalada waxaa ku sugan oo kulamo siyaasadeed ka wada Madaxwaynihii hore ee maamulkaas Cabdiraxmaan Faroole oo ah Senator ka tirsan Aqalka saree e Barlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib u dhigay magacaabidda guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland.

Dhinacyada ku howlan waan waanta ayaa madaxweyne Deni kula taliyay inuu dib u dhigo magacaabidda guddiga ansixinta baarlamaanka, si fursad loo siiyo wada hadalada socda.

Sidoo kale, guddigan dhex dhexaadinta waxay madaxweynaha Puntland ku booriyeen inuu soo dhiso guddi heshiis lagu yahay oo heli kara kalsoonida musharraxiinta madaxtinimada.

Go’aankaas  ka dib ee Deni uu qaatay , waxa xigay mid kale oo ka dhashay muddo kororsi ay samaysteen xubnaha Barlamaanka maamulkaas  inkastoo markii dambe Maxkamada Dastuurka ah ay laashay .

Hubinti la’aanta doorashada Puntland ka dhalatay ayaa  markale laba qaraxday markii Madaxwayne ku xigeenka maamulkaas Axmed Karaash keliye taliye aan talo ogolayn uu ku tilmaamay Saciid Deni.

Doorashada madaxtinimada Puntland waxaa ka harsan 23 cishe oo kaliya, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka doorashada uu dib u dhac ku keeno waqtiga doorashada loo asteeyay oo ku beegan siddeeda January 2024.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha